Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Kulan Xasaasi ah oo Gaalkacyo uga Socda Nicholas Haysom iyo Madaxda Galmudug (Daawo Sawirada)

Koonfurta magaalada Gaalkacyo waxaa ka socda kulan xasaasi ah oo u dhaxeeya Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom, Wakiilka Midowga Afrika  iyo Madaxda maamulka Galmudug garabka Dhuuso Mareeb.

Maamulka Galmudug waxaa kulanka ku matalaya Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo sidoo kale Madaxa Xukuumada Sheekh Shaakir iyo masuuliyiin kale oo katirsan maamulkaasi.

Kulanka ayaa looga hadlayaa xaalada siyaasadeed ee xiligan ka dhax taagan masuuliyiinta maamulka Galmudug iyo khilaafka u dhaxeeya Madaxda Galmudug iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya .

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa madaxda Galmudug ka dhageesanaya xaalada siyaasadeed ee Galmudug iyo khilaafka u dhaxeeya Maamul goboleedyada iyo Dowlada Federaalka iyo sidii xal loo gaari lahaa.

Waxii warar ah ee kusoo kordha warkan kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa Sababay Khilaafka u dhexeeya wasaarada Caafimaadka iyo Isbitaalka Yardimeeli

admin

Al Shabaab oo Weerar culus ku qaaday Saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidanka dowlada iyo …

Cabdi Cade

Dowladda Soomaaliya oo ka laabatay go’aan ay horey uga qaadatay Puntland

Caydiid Ali