Allbanaadir.com
NEWS

Bisha Ramadaan oo laga arkay Somalia iyo Wasaarada Diinta oo ka hadashay

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee xukuumadad federaalka Soomaaliya ayaa war ay goordhaw soo saartay ku shaacisay in bisha Ramadaan laga arkay deegaan katirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Qoraalka kasoo baxay wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in curashada bisha Ramadaan laga arkay dheeganka Awdheegle ee gobolka Shabellaha Hoose.

Gobolada Soomaaliya inta badan ayaa beri laga soomayaa, waxaana suurto gal ah in dadka qaar aysan beri soomin iyaga oo sabab uga dhigaya in aysan arkin curshada bisha barakeesan ee Ramadaan.

Waddamo badan oo caalamka katirsan ayaa beri oo sabti ah u tahay maalinta koobaad ee bisha Ramadaan, waxaa sidoo kale jira waddamo kale oo iyana sheegay in aan la arkin bisha ayna soomayaan maalinta Axada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Taliban oo beeniyey warar laga faafiey

Caydiid Ali

Guurre: “FSAN waxay mareysaa iney casuunto Boqoradda dalkan Holland” [WAREYSI]

Caydiid Ali

Wabiga Shabelle oo ku fatahay magaalada Baladweyne iyo cabsi xoogan oo jirta

Cabdi Cade
Taboola Ads ---