Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Doorashada Kursi ay ku tartamayaan todobo Musharax oo ka bilaabatay Baledweyne

Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan waxaa goordhaw ka bilaabatay doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP058 ay ku tartamayaan ilaa todobo musharax oo isku diiwaan geliyay.

Doorashada kursigan oo ah mid xiiso iyo xamaasad badan ayaa xubnaha ku tartamaya waxaa ku jira Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cali Cbadullaahi Cosoble iyo taliyihii hore ee NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe.

Musharaxiintan halka kursi ku tartamaya ayaa saacadihii lasoo dhaafay sameeyay olole xooggan oo mid kastaahi ku raadinayay codadka ergada wax dooraneysa oo laga soo dhax xulay beesha iska leh kursiga.

Kursigan ayaana loo saadaalinayaa in uu kusoo bixi doono taliyihii hore ee Hay’adda NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe oo taageero badan ku dhax leh beeshiisa, waxaana ninkan uu kamid yahay siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Madaxweyne Farmaajo iyo maamulkiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wafdiga DF uga qeyb galaya dacwada Badda oo saaka u ambabaxay Heague

Caydiid Ali

Wararkii Ugu dambeeyay kulan maanta yeelan lahaayeen Baarlamaanka oo baaqday

Cabdi Cade

James Swan: “Musuq-maasuqu wuxuu daciifiyaa horumarka iyo awoodda dowladnimo ”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---