Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Muuse Biixi oo qaabilay Mss. Kristina Svensson iyo xubno ay horkaceysay (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa qaabiley madaxa Bangiga Adduunka u qaabilsan Somalia Kristina Svensson oo ay wehelinayso Marwo Kaltuun Xasan oo ka mid ah masuuliyiinta sar-sare ee Bangiga Adduunka.

Muuse Biixi ayaa uga xog-waramay qadiyada madax-bannaanida Somaliland oo uu xusay in horumarka uu halkan ku soo gaaray wadajirka xukuumadda iyo shacbiga

Kulankana waxa lagaga wada hadlay xoojinta xiiriirka wada shaqayneed ee labada dhinac ee Somaliland iyo Bangiga Adduunka iyo sidii loo balaadhin lahaa, loona horumarin lahaa mashaariicda horumarineed ee bangiga adduunku ka wado gudaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhinaca weftiganu waxay ballan qaadeen inay dar-dar gelin ku samayn doonaan,  sidii loo wada shaqaynlahaa, dedaal iyo juhdi badana ay gelin doonaan mashaariicda horumarineed ee Bangiga Adduunku ka waddo Somaliland.

Waxaana madaxweynaha kulankaasi ku wehelinaayey wasiirradda wasaaradaha, Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Dr Ciise Kayd Maxamuud Raagsaale,  Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, mudane Cumar Cali Cabdillaahi Bade,  Horumarinta Maaliyadda, Dr Sacad Cali Shire, Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Mudane Siciid Sulub Maxamed iyo La-taliyaha madaxweynaha ee Arrimaha Dhaqaalaha, Dr Cismaan Sheekh Axmed.Farmaajo oo magacaabay Agaasimaha  Madaxtooyada, Lataliyaha Amniga Qaranka & Ku simaha taliyaha NISA.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/paUin6XbmBA

Related posts

Masuuliyiintii Waan waanta ka dhax waday Farmaajo & Rooble oo loogu baaqay in Runta sheegaan

Cabdi Cade

Doorashada kuraas ka mid ah Golaha shacabka oo ka dhacday Kismaayo (Sawirro)

Caydiid Ali

Muxuu Raisul Wasaare Khayre ku soo arkay xarunta Wasaaradda Caafimaadka? (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---