Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Booliska DF oo soo bandhigay waxyaabo qarxa & rag lagu soo qabtay (Sawirro)

Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay walxaha qarxa iyo rag loo haysto falal argagixisanimo oo howlgal lagu soo qabtay.

Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya Gaashaanle Saadaq Aadan Doodisho ayaa sheegay in howlgal qorsheysan oo ay Ciidamada Amniga ka fuliyeen Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose lagu guuleystay in gacanta lagu soo dhigo afar qof oo loo heysto falal Argagixiso iyo walxaha qarxa oo ay diyaarinayeen.

Gaashaanle Saadaq Aadan Doodisho ayaa sheegay in ragga la soo qabtay uu ku socdo baaritaan dheeraad ahm ayna soo taagi doonaan Maxkamad marka uu dhamaado baaritaanka.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Cirro oo dhagax-dhigay Mashruuc 20 milyan dollar ku baxeyso (Sawirro)

Cabdi Cade

Khasaaraha ka dhashay Qaraxii ka dhacay Muqdisho oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Haweeney Maal-qabeen ah oo la ogaaday sabab la-yaab leh oo ay ku dawarsato!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---