Xildhibaano ku sugan Dhuuso Mareeb oo Mooshin ka keenay Madaxweyne Xaaf

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuuso Mareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa sheegaya in Xildhibaano katirsan Baarlamaanka maamulkaasi gaar ahaan garabka Ahlu Sunna mooshin xil ka qaadis ah ka keeneen Madaxweyne Xaaf.

Xildhibaanada Mooshinka ka wada Madaxweyne Xaaf ayaa la sheegay in hada gaaraya 50-Xildhibaan, waxaana suurto gal ah in tiradaasi kasii bataan hadii aan cadaadis la saarin ama xal laga gaarin arimaha keenay mooshinkan cusub.

Muxudiin Cali Jimcaale(Jakuula) oo kamid ah Xildhibaanada Galmudug ee Dhuuso Mareeb jooga ayaa sheegay in mooshinka hada saxiixeen ilaa 50-Xildhibaan,waxa uuna Xildbibaanka sheegay in Madaxweynaha lagu eedeeyay waxqabad la’aan.

Lama oga in kooxda Ahlu Sunna gaar ahaan Madaxa Xukuumada Galmudug Sheekh Shaakir uu arintan gadaal ka riixayao ama uu kasoo horjeedo, waxaana lagu waramayaa in mooshinkan fashil ku dhamaan doono hadii Madaxda Ahlu Sunna kasoo horjeestaan.

Mooshinkan cusub ee laga keenay Madaxweynaha Galmudug ayaan wali la ogeyn waxa uu salka ku hayo iyo arimaha keenay, waxa ayna arintan uga sii dareysaa mashaakilka siyaasadeed ee ka taagan Galmudug.

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Galmudug oo ku sugan magaalada Cadaado ayaa horey waxa ay u shaaciyeen in xilka ka qaadeen Madaxweyne Xaaf, lamana oga halka uu saldhigan doono mooshinkan cusub ee hada laga gudbiyay Xaaf.

- Advertisement -