Mareykanka iyo Bangiga Adduunka oo cadeeyay in halis ku jirto qorshaha deyn cafinta Soomaaliya

Danjiraha Mareykanka u jooga Soomaaliya Larry Andre oo la kulmay Wakiilka Bangiga Adduunka u qaabilsan Soomaaliya Kristina Svensson, ayaa kawada hadlay xaalada Soomaaliya gaar ahaan halka ay marayaan taageerada caalamiga .

Danjire Larry Andre iyo Kristina Svensson ayaa si qoto dheer uga wada hadlay walaaca laga qabo daaha doorashada Soomaaliya ay tilmaameen in ay sababi karto in ay halis gasho taageerada caalamiga ah gaar ahaan kabka miisaaniyada iyo qorshaha deyn cafinta .

Qoraal lasoo dhigay barta safaarada Mareykanka ee Soomaaliya ku leedahay Twitterka ayaa lagu sheegay in labada dhinac ee kulmay is tuseyn halisaha ka dhalan kara dib u dhac mar kale ku yimaada doorashada Soomaaliya.

“Danjire André iyo madaxa Bangiga Adduunka Kristina Svensson ayaa ka wada hadlay walaaca laga qabo qorshaha dib u habeynta dhaqaalaha Soomaaliya, Haddii aan sida ugu dhaqsiyaha badan Dowlad loo dhisin, Taageerada maaliyadeed ee caalamiga ah ee joogtada ah iyo deyn cafinta ayaa halis ku jira” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay barta Safaaradda Mareykanka.

Hay’adda lacagta adduunka ee IMF iyo Bangiga adduunka ayaa horey u sheegay in daaha doorashada Soomaaliya ay dhibaato u keeni karto qorshaha deyn Cafinta iyo fulinta shuruudaha la hordhigay in ay kasoo baxdo.

Bangiga Adduunka ayaa horey sheegay in dhammaan taageerada maaliyadeed iyo kabka miisaaniyada ay siiso Soomaaliya ay hakaneyso bartamaha bisha May haddii aan muddadaas Soomaaliya helin Dowlad cusub.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -