Musharax Madaxweyne oo Shaaciyay in lasoo gaarsiiyay Digniino Amni iyo Weeraro la qorsheeyay

Musharax Madaxweyne Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Wasrasme ayaa ka hadlay weerarkii maanta Al Shabaab ku qaadeen xerada Xalane iyo digniino amni oo lasoo gaarsiiyay maalmihii lasoo dhaafay.

Waxa uu sheegay Musharax in lasoo gaarsiiyay isaga iyo musharaxiin kalaba digniino amnigooda shaqsiga ah iyo kuwa kale oo lagu qalqal galinayo amniga dalka laguna abuurayo cabsi sida weerarka maanta lagu qaaday xerada Xalane Xalane.

”Maalmahaan oo idil waxaa ina soo gaarayey digniino isi soo tarayey oo ku aaddan amnigeenna shakhsiga ah iyo in la qorsheynayo weeraro lagu qalqal gelinayo amniga, laguna abuurayo cabsi gelin. Weerarka maanta ka dhacay xerada Xalane waa billowgii hawlgalladaas.” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka weerarka maanta Al Shabaab ku galeen xerada Xalane uusan aheyn mid xoog ku yimid balse lala shaqeenayay loona fududeeyay howlgalkooda oo laga lahaa dano gaar ah sida uu timaamay .

”Al-shabaab xoog kuma soo gelin gudaha, wayna cadahay in lala shaqeeyey, loona fududeeyey hawlgalka. Waxaa kaloo iyana muuqata in weerarkii maanta uu jawaab u ahaa farriintii ahayd in doorashada guddoonka Baarlamaanka lagu qabto teendhada Afisyoone.” ayuu yiri musharaxa.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa cadeeyay in hay’addaha amniga ay gacanta ugu jiraan rag aan sariig laheyn, waxa uuna ugu baaqay Ra’isul Wasaare Rooble in uu qaado tallaabooyin deg deg ah masuuliyadna iska saaraa ammaanka.

”Dalku wuxuu ku jira xilli xasaasi ah oo kala guur ah, welina hay’adihii amnigana waxay gacanta ugu jiraan koox aan sariig lahayn oo waddo kasta u maraya xaqiijinta dantooda shakhsiga ah, intaan ka badan RW Rooble indhaha kama laaban kartid masuuliyadda kaa saaraan dalka, gaar ahaan amniga iyo hawlaha xil wereejinta xilliga kala guurka ah” ayuu yiri C C Warsmae.
Ugu Dambeyn Cabdiraxmaan  Cabdishakuur ayaa ugu baaqay Rooble in dib u habeyn ku sameeyo hoggaanka hay’addaha ammaanka dalka loona dhiibo hoggaanka hay’addaha ammaanka shakhsiyaad lagu aamino karo amniga dalka, farahana kula jirin siyaasad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -