Dowlada oo Qarash badan ku bixisay Fashilinta Banaan baxa Muqdisho laga abaabulayo

Waxaa magaalada Muqdisho laga dareemayaa cabsi la xariirta in ay ka dhacaan banaan baxyo rabshada wata oo looga soo horjeedo xaalada amaan daro ee caasimada iyo sidoo kale dilalka ciidamada u geesanayaan dadka shacabka ah.

Banaan baxa abaabulkiisa socdo ayaan wali si rasmi ah loo ogeyn cida maal galineysa ama daaha gadaashiisa abaabulka ka wada, waxaana ilaa hada abaabulka kaliya laga dareemayaa baraha bulshada .

Dowlada ayaa ku tuhmeysa banaan baxa in ay abaabulayaan Xisbiyada Mucaaradka ee Muqdisho ka jira, waxa ay sidoo kale dowlada tuhmeysaa in dowlada Imaaradaka Carabta maal galineyso banaan baxayyada cabsi galinta ah.

Dadka banaan baxa faafinaya oo dadka ugu baaqaya in ay isku soo baxaan ayaa ah dad kunool qurbaha caana ka ah baraha bulshada, dadkan ayaana wax dhibaato ah kasoo gaareyn banaan baxa hadii boqolaal xitaa ku dhimao  maadaama aysan dalkaba joogin.

Dowlada Madaxweyne Farmaajo ayaa ah dowlad cabsi la joog ah oo mar walbo laga hagi karo baraha bulshada, waxa ayna dowlada durbo bilowday in dhaqaale badan ku bixiso qorshe lagu fashilinayo banaan baxan oo kaliya u eg mid dowlada lagu cabs galinayo.

Magalaada Muqdisho waxaa shalay ka dhacay kulamo dowlada maal galisay oo looga soo horjeedo banaan baxa la sheegay in la abaabulo, waxa ay sidoo kale dowlada ka hadal siisay siyaasiyiin ay naas nuujiso, waxgarad la biilo iyo culumo Hoteelo la dejiyay.

Dowlada ayaa sidoo kale ku amartay Gudoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir in degmooyinkooda aan laga abaabuli karimn banaan baxyo, waxaana Gudoomiyihii ka hortagi waayo lagu cabsi galiyay xil ka qaadis.

Shacabka magaalada Muqdisho ayaan waxba kala socon  banaan baxa sheekadiisa ka socoto baraha bulshada iyo Warbaahinta qaar, waxa ayna shacabka Muqdisho isweediinayaan danta laga leeyahay banaan baxa iyo cida ku faa’iideesa.

Muqdisho dadka kunool ayaa inta badan ah dad jecel nabada iyo xasiloonida, mana ahan  dadka Muqdisho kuwa doonaya in magaalada dhib ka dhaco kana bilaabato qalalaase, waxa ayna shacabku badi yihiin kuwa u hamuun qaba nabad iyo xasilooni.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -