Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidanka Ilaalada Deegaanka Xamar oo Gaadiid la siiyay (Daawo Sawirada)

Ciidanka ilaalada deegaanka Xamar oo hoos taga maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta lagu wareejiyay Gaadiid cusub ay ku buufsan tahay Calaamada Maamulka Gabolka Banaadir.

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in ciidanka ilaalada Deegaanka agabkooda loo dhameystiray, si ay uga hortagaan dadka la baxsada canshuuraha ku waajibtay.

Ciidanka ilaalada deegaanka ee dowlada Hoose Xamar ayaa shaqadooda tahay in canshuuraha ka qaadaan gaadiidka dadweynaha ee PL-ka iyo sidoo kale mootooyinka loo yaqaan bajaajta.

Baabuurtan la siiyay ciidanka Ilaalada deegaanka ayaa loogu tala galay in ay u adeegsadaan hadii ay baabuurta iyo mootooyinka canshuurta laga rabo isku dayaan in ay baxsadaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wiil arday ahaa oo lagu dilay Magaalada Muqdisho iyo caro ka dhalatay

Caydiid Ali

Sawirka Gaarigii saakay ku qarxay magaalada Muqdisho oo la helay

Cabdi Cade

(Sawirro) Lazarus Chakwera oo loo dhaariyey Madaxweyne ka dib muran doorasho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---