Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay xaalada Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde (Sawirro)

Weerar rag hubeesan oo katirsan Al Shabaab maanta ku qaadeen xerada Xalane ee kuyaala xeendaabka garoonka Adiyaaradaha adan Cadde ayaa saameyn ku yeeshay howlihii shaqo ee garoonka ka socday.

Sida aan wararka ku helnay shaqadii ka socotay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa istaagtay muddo kooban intii ay socotay iska hor imaad u dhaxeeyay raga hubeesan ee weerarka kusoo galay xerada Xalane iyo ciidamada ammaanka.

Howlihii shaqo ee ka socday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa markii dambe caadi kusoo noqday markii garoonka lasoo dhoobay ciidamo badan, waxaana garoonka ka duulay diyaarado taagnaa halka kuwa kalana kasoo degeen.

Maareeyaha Guud ee hey’adda Duulista rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalim ayaa  sheegay in wax hakad ah aysan galin duulimaadyadii garoonka isla markaana si caadi ah ay u baxeen una yimaadeen duulimaadyadii qorsheysanaa ee maanta.

Ammaanka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo xerada Xalane ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana albaabada laga galo garoonka iyo xerada Xalane la geeyay ciidamo badan iyo gaadiid dagaal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ku dhowaad 20 ruux oo ku naf waayey shil fool xun oo dhacay Degmada Tabas (Sawirro)

Caydiid Ali

Xildhibaan Stuart Polak oo difaacay Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya

Cabdi Cade

Xasan Sheekh oo Shaaciyay in uusan ka tanaasuleyn arrin khilaaf ka jiro

Cabdi Cade
Taboola Ads ---