Ciidamo badan oo Diyaarado lagu geeyay Dhuusomareeb iyo Kooxda Ahlu Sunna oo …

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug ayaa sheegaya in galabta magaaladaasi ka dageen diyaarado waday ciidamo katirsan booliiska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad.

Ciidankan ayaa la sheegay in ay gaarayaan 200-askari oo hub kala duwan ku hubeesan, waxaana ciidankan durba markii ay gaareen magaalada Dhuusomareeb qeyb ka noqdeen dagaal halkaasi ka socday.

Sida aan wararka ku helnay ciidamadan cusub ayaa markii ay gaareen magaalada Dhuusomareeb ku dhawaaday in ay gudaha u galaan xarunta Inji oo ah halka ay degan yihiin hoganaka Ahlu Sunna sidoo kale ciidankooda ku jiraan.

Xaalada magaalada Dhuusomareeb ayaa caawa wax xoogaa degan, waxaana mararka qaar la maqlayaa rasaas goos goos ah ay is dhaafsanayaan ciidamada amaanka Galmudug iyo ciidamada kooxda Ahlu Sunna.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Hogaanka Ahlu Sunna dalbadeen in xabada la joojiyo, waxa ayna Saraakiisha ciidamada AMISOM ugu baaqeen in ay soo kala dhax galaan ciidankooda iyo ciidamada Galmudug.

Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda Jabuuti iyo Itoobiya oo ka baxay garoonka Diyaaradaha Dhuusomareeb ayaa ku guul dareestay in ay tagaan xarunta Inji si ay labada ciidan u kala dhax galaan loona joojiyo xabada.

Dagaalka maanta magaalooyinka Dhuusomareeb iyo Guriceel ku dhax maray ciidamada taabacsan Ahlu Sunna iyo Galmudug ayaa waxaa ja dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac , labada dhinac ayaana midbo midka kale bilaabida dagaalka ku eedeeyay.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha warkan kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -