Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Haramcad oo soo afjaray weerarkii Al Shabaab ku galeen Xalane (Sawirro)

Saraakiil katirsan ciidanka booliiska gaar ahaan kuwa Haramcad ayaa sheegay in goordhaw soo afjareen weerar rag hubeesan oo katirsan Al Shabaab ku galeen gudaha xerada Xalane iyo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Raga hubeesan ee weerarka ku qaaday gudaha Xalane oo gaarayay ilaa labo nin ayaa muddo saacad ka badan ka dhax dagaalamayay gudaha Xalane , waxa ayna ragan dileen ciidamo katirsan AMISOM iyo dad kale .

Ciidamada Haramcad iyo kuwa Gorgor ayaa la geeyay goobta ay galeen raga hubeesan ee katirsan Al Shabaab, ciidamada Haramcad ayaana la sheegay in ay soo afjareen weerarka ayna halkaasi ku dileen ragii hubeesnaa ee xerada Xalane galay.

Goobta weerarka ka dhacay waxaa hada ku sugan ciidamo isugu jira Soomaaliya iyo ajaaniib oo baaris ku sameenaya sida weerarka ku bilowday iyo khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay.

Kooxda hubeesan ayaa xerada Xalane iyo garoonka Aadan Cadde ka galay albaabka Marina Gate, waxaana la sheegay raga hubeesan oo ku labisnaa dareeska ciidanka dowladda toogteen askar katirsan AMISOM oo ilaalo ka hayay albaabka Marina Gate.

Booliiska Soomaaliya iyo taliska ciidamada AMISOM ayaan wali faah faahin badan ka bixin khasaaraha ka dhashay weerarkan, waxaana saraakiisha booliiska sheegeen in la baarayo weerarkan ayna soo gudbin doonaan xogta khasaaraha ka dhashay.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay faraha kasii baxayay, waxaana maanta oo u dambeesay Al Shabaab u suurto gashay in weerar ku galana gudaha xerada Xalane oo ah goob ammaankeeda si weyn loo ilaaliyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Puntland oo dib u dejin u sameysay qoysaskii laga soo saaray Laascaanood (Sawirro)

Caydiid Ali

Masuul lagu dilay magaalada Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Dal daris la ah Soomaaliya oo hawada sare u diray dayax gacmeed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---