Iran ayaa daldashey tiro Basaasiin u ahaa Israel oo ilaa Maalinkii shalay lagu qabqabtay magaalooyin dhowr ah oo dalkaas ka tirsan.
Basaasiintan u shaqaynayay Mossad waxaaa la qabtay oo madax u ahaa nin lagu magacaabo Ismaaciil Fikri, waxaana la caddeeyey inuu la shaqaynayay laba sarkaal oo ka tirsan Mossad, isagoo lacag ku qaatay adeeggiisa.
Basaasiintan ayaa waxa Fududeeyey kadib markii xalay sirdoon Israel ah lagu qabtay magaalada Tehran kuwaasoo fududeeyey inay sii sheegaan dadka iraniyiinta la shaqaynayey
Dowlada Iran ayaa labo jibaartay sidii ay gudaha dalkeeda uga nadiifin lahayd basaasiinta maadaamada halmar la beegsaday In ka badan 15 sarkaal oo qiime weyn ku lahaa dalkooda.
Booliiska Iran, ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay gaari ay adeegsanayeen wakiillada Israa’iil ee ka howlgalaya gudaha Iran kaasoo la sheegay inay ku rarnaayeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn— waxaa la xiray darawalkii gaariga waday, sida laga sii daayay telefishinka Iran.
Sirdoonka Iran, ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigeen guri ay adeegsanayeen wakiillada hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad ee ka howlgalla gudaha Tehran, iyadoo halkaas loogu tagay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, agab lagu fuliyo qaraxyo iyo nidaamyo kale oo dagaal. Waxaana la xiray ugu yaraan labo qof oo lala xiriiriyay Mossad
Amniga Iiraan ayaa sidoo kale wuxuu shaaciyay in la helay warshad si qarsoodi ah loogu sameeyo diyaaradaha yaryar iyo drones gudaha magaalada Isfahan, isla markaana la xiray afar qof oo la sheegay inay u shaqaynayeen hay’adda sirdoonka Israel (Mossad).
Wakaaladda wararka Iran ee Mehr, ayaa ka soo xigatay sarkaal ka tirsan sirdoonka Iran; in saraakiisha sare ay go’aamiyeen in la dilo qof kasta oo la xaqiijiyo inuu xiriir la leeyahay Israa’iil oo lagu qabto isagoo ku guda jira howlo basaas haddii uu xataa jago sare hayo, iyadoo mar horaba maanta tiro basaasiin u shaqeynayay Israa’iil la dilay.