Abshir Cabdiraxmaan Cabdi oo isku soo dhiiibay Ciidanka xoogga dalka, kana hadlay..

Dagaalyahan ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibey Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Degaanka Goofgaduud Buurey ee Gobolka Baay.

Abshir Cabdiraxman Cabdi oo sidoo kale watay qori uu la soo goostay waxaa uu sheegay inuu Al-Shabaab ku jirey ku dhowaad Labo Sano isagoo u qaabilsanaa dhanka Xisbiyada.

Sababta ku kaliftey inuu Al-shabaab ka soo baxo ayuu sheegay iney tahay dhibaatada iyo go’odoonka ay shacabka ku hayaan ee degaanada Maamulka Koonfur Galbeed.

Waxaa uu ugu baaqay dhalinyarada la mid ah ee ka tirsan Al-Shabaab inay isku soo dhiibaan ciidanka dowladda si dhaqan celin loogu sameeyo, ayna u helaan nolol wanaagsan iyo daryeel.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -