Allbanaadir.com
NEWS

Kala carar ka dhacay Magaalada Tel Aviv ka dib Markii..

Gantaal laga soo riday Yemen ayaa bartilmaameedsaday agagaarka garoonka diyaaradaha Ben Gurion ee ku dhow Tel Aviv fiidnimadii caawa oo Talaado ah.

Ciidanka Israa’iil ayaa sheegay in ay ku guulaysteen in ay gantaalkaasi soo ridaan, hase yeeshee dad Israa’iiliyiin ah ayaa ku dhaawacmay xilli ay ku cararayeen meelo ammaan ah.

Seeriga  digniinta ayaa si xooggan looga maqlay  dhul ballaaran oo galbeedka Qudus ah iyo guud ahaan Tel Aviv, halkaasoo hakad la geliyay duulimaadyadii diyaaradaha inta lagu jiray dadaalka lagu joojinayay gantaalka.

Adeegga gurmadka degdegga ah ee Israa’iil ayaa sheegay in dad badan ay ku dhaawacmeen iyagoo isku dayayey  inay gabaad raadsadaan, wuxuuna xusay in ay siiyeen gargaar degdeg ah dad ay la dhacay cabsi xooggan.

Related posts

Al-Shabaab oo xukun dil ah ku fulisay shan nin oo lagu eedeyey dembiyo culus

Caydiid Ali

Ciidamo ka tirsan Gorgor oo kasoo laabtay tababar ay ku soo qaateen Turkiga (Sawirro)

Caydiid Ali

Muwaadiniinta Israa’iil ee ku sugan dalka Turkiga oo loo diray Digniin adag

Cabdi Cade
Taboola Ads ---