Allbanaadir.com
NEWS

Saddex qodob oo muhiim ah oo maanta looga hadlay Shirkii Golaha Wasiirrada

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa looga hadlay roobabka daadadka wata ee ka da’aya dalka, amniga iyo ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah.

Golaha ayaa warbixin ku saabsan saameynta ka dhalatay roobabka daadadka wata, waxa ay ka dhageysteen Hey’adda Maareynta Musiibooyinka oo soo bandhigay in ku dhawaad laba malyuun oo qof ay saameeyeen roobabka iyo daadadka ka da’aya dalka. Iyada oo inta la xaqiijiyey ay ku geeriyoodeen roobabka daadadka wata ee El-nino muwaadiniin gaaraya 96.

Xukuumadda JFS ayaa dadaal ugu jirta gurmadka dadka ay saameeyeen dadaadadku, waxa ayna ugu baaqeen hey’adaha gargaarka iyo bulshada Soomaaliyeed in la caawiyo dadka ay saameeyeen roobabku.

Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre oo shirka guddoominayey, ayaa golaha warbixin ka siiyey safarkii uu ku tagey degmada Doolow ee Gobolka Gedo, waxuuna soo bandhigay baaxadda saameynta ay ku yeesheen daadadku gobolka.

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa sidoo kale kulanka warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka iyo ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah kaga dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaanshaadhigga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Dowlada oo Nolosha ku qabtay saraakiil iyo Dagaalyahano katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade

Dowladda oo maanta xirtay agaasimayaal iyo masuuliyiin hor leh oo loo heesto Musuq

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni iyo Axmed Madoobe oo kulan Xasaasi ah yeeshay iyo Xog ku aadan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---