Allbanaadir.com
NEWS

Xassan Shiikh oo ku dhawaaqay Xisbi cusub (Sawirro)

Shirwayne looga dhawaaqayey xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka ayaa caawa lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana xisbigan ku  midoobay Madaxda DF sida Madaxweynaha, RW, Gudoomiyeyaasha labada aqal golaha Wasiirada iyo madaxda maamul goboleedyada dalka marka laga reebo Jubbaland iyo Puntland

Waa markii ugu horeysay ee Xisbi noocan ah ay ku  kulmaan dhinacyadan, waxaana xisbigan uu go’aamin doonaa nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa taasoo ah mid dad badan ka yaabin doonta.

Shirwaynaha Xisbigan Cadaaladda iyo Wadajirka ayaa si rasmi ah u doortay Xubnaha Guddiga Fulinta oo kala ah

  1. Dr. Xasan Sheekh Maxamuud

Guddoomiyaha ahna Musharraxa Ururka JSP

  1. Xamza Cabdi Barre

Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Siyaasadda, Istaraatiijiyadda iyo Qorsheynta

  1. Cabdicasiis Xasan Maxamed laftagareen.

Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Amniga iyo Dowlad Goboleedyada

  1. Saalax Axmed Jamac

Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Dhaqaalaha

  1. Marwo Sacdiyo Yasiin Samatar

Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Horumarinta Bulshada iyo Wacyigalinta

  1. Cabduraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa

Xoghayaha Guud.

Talaabada lagu aasaasay Xisbigan ayaa ku soo beegantay xili muddo xileedka DF ay ka hartay sanad, madaxda dowlad goboleedyada sida Qoorqoor, Cali Guudlaawe iyo Laftagareena uu ka dhacay muddo xileedkii la doortay ayna ku joogaan xafiiska heshiis siyaasadeed oo aan sharuucda dalka waafaqsaneyn.

Siyaasiyiinta mucaaradka qaarkood aya xisbigan ku tilmaamay inuu la mid yahay Xisbigii Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed XHKS ee uu hogaamin jiray dowladii uu majaraha u hayey Marxuum Maxamed Siyaad Barre.

Wasiirka Gaashaandhiga Somalia Axmed Fiqi oo arrintaas ka jawaabaya ayaa diiday in xisbigan uu la mid yahay XHKS wuxuuna xusay iney iyaga ogol yihiin tartan iyo xisbiyo badan oo la loolama XHKS uu ahaa mid aan ogoleyn xisbiyo kale.

Dadka odorasa siyaasadda ayaa aaminsan in Xisbigan uu yahay mid isku qaatay dhammaan awooddii dowladda dhexe iyo tan Dowlad Goboleedyada Koofurta, waxaana sidaas meesha uga baxaya kalsoonida lagu qabi karo siyaasad loo dhan yahay oo ka timaada madaxda ku mideysan. Waxaana dad badan is waydiinayaan sida uu Xisbigu ku soo socon karo, maadaama uu yahay Isbahaysi isku danaysi ah oo dhinacyada ku mideysan ay yihiin kuwo damacoodu yahay xukun dheereysi, oo muddo xileedkooda hadda ka dhamaaday, kuwana hal sano u dhiman yahay.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

default

default

Related posts

Dowlada Kenya oo qaaday talaabo ay uga aargudaneyso Imaaraadka Carabta

Cabdi Cade

Khilaaf ka taagan Cida hogaamineysa Guddiga Doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo Ahlu sunna oo…

Cabdi Cade

XOG CUSUB:-Kenya oo la soo baxday qorshe cusub oo looga qaadi karo Xayiraadda Khaadka iyo ujeedka Safarka…

admin
Taboola Ads ---