Gudoomiyihii iscasilay ee Guddiga doorashada Puntland oo eedeymo culus u jeediyey Deni

Guuleed Saalax Barre oo dhawaan iska casilay xilkii Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland ayaa sheegay intii ay ku gudo jireen howsho doorasho ay soo wajaheen caqabado kala duwan.

Wuxuu sheegay sidoo kale sheegay inay gaareen guulo muhiim ah. Wuxuuna dhanka kale xukuumadda Puntland ku eedeeyay in wax ay ka socon waayeen isla markaana ay isku fahmi waayeen waxyaabo badan oo la xiriira doorashada.

“Shaqada waxay ka socon weyday dhinacii xukuumadda, waa garan kartaa shaqo doorasho ma ahan wax guddiga oo kaliya ah ku koobana” ayuu yiri guddoomiyihii guddiga doorashada Puntland oo hadalkan ka sheegay wareejinta xilka ay iska casileen isaga iyo ku xigeenkiisa.

“Madaxweynaha iyo anagu waxaan isku fahmi waaynay qaabka ay shaqada ku soconeyso, anagana wey noo cuntami weyday madaxweynaha qaabka uu rabo, isagana sida uu inoo sheegay kuma faraxsana qaabka aan ku hoggaamineyno guddiga” ayuu yiri  Guuleed Saalax Barre Guddoomiyihii guddiga doorashada Puntland.

Guuleed Saalax wuxuu tilmaamay in madaxweynaha Puntland uusan ku qanacsanayn dhexdhexaadnimada guddoonka guddiga doorashooyinka, iyaguna ku qanci waayeen caqabado isa soo taraya oo waxba laga qaban waayay.

Sidoo kale Guuleed ayaa sheegay in ay jiraan wasiiro barnaamijka dimuqraadiyadda Puntlnad la dirirayay tan markii ay shaqada bilaabeen guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -