Allbanaadir.com
NEWS

Madax hore: “Dalku wuxuu ku jiraa halis”

Qaar kamid ah Madaxdii hore ee Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Nairobi ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya gashay xaalad adag kuna sii socoto god mugdi ah

Madaxda hore ee kulanka isugu yimiid ayaa waxaa ka mid ah EX Raisul Wasaare Mohamed Hussein Rooble, Ex-Ra’isul Wasaare Cabdiweli Shiikh Ahmed Mohamed Ex-Ra’isul Wasaare Abdi Farah Shirdoon & Gudoomiyihii hore ee Golaha shacabka Somalia Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan

Waxay sheegeen in ficillada iyo habdhaqanka Dawladda hadda joogtana ay yihiin kuwo aan loogu turayn Dadka.

“Xaqiiqdii Shacabka Soomaaliya iyo Saaxiibadda Caalamka waxaa ka muuqda welwel iyo Hubanti la’aan ku aaddan waxa Soomaaliya  ka socda ee ah Jahwareer Siyaasadeed” ayey siyaasiyiintan ku sheegeen war ay soo saareen

“Waxaan ku talinaynaa in la dhageysto talada dadka waxgaradka ah, si marxaladdan adag looga gudbo iyadoo la Mideysan yahay, Xalku waxa uu ku jiraa in la wada fadhiisto, lana yeesho talo mideysan, laguna heshiiyo Doorasho wada ogol ah oo Waqtigeeda ku dhacda” ayaa lagu yiri warka soo saareen.

Guddoomiyihii hore ee baarlamanka ayaa yiri: Maanta waxaan kulan muhiim ah wada yeelaney, Ra’isulwasaare Mohamed Hussein Roobe, Ra’isulwasaare Cabdiweli Sheikh Ahmed Mohamed iyo Ra’isulwasaare Abdi Farah Shirdoon, Waxaan ka wada hadalney xaaladda guud ee dalka waxaan isku aragti ka noqoney Xaaladda hadda uu ku sugan yahay dalka, haddii aan la helin talo qaran oo soomaaliyeed in ay suurto gal tahay in dalka uu u leexdo jiho qaldan.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Dowladda Itoobiya oo Digniin kama dambeys ah u dirtay mid kamid ah dalalka Yurub

Cabdi Cade

Sidee u aragtaa Amarkii uu soo saaray Ra’iisul Wasaare Khayre? (Fikirkaaga dhiibo)

admin

Daawo: Qodobo ku saabsan Somaliland oo ku jira heshiiska caawa lagu gaaray Villa Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---