Askarigii Israa’iili-Mareykanka ahaa ee Edan Alexander, oo shalay ay sii deysay Xamaas, kaddib wada-xaajood ay la gashay Mareykanka , wuxuu diiday inuu la kulmo Netanyahu.
Edan Alexander wuxuu ku eedeeyay Netanyahu inuu dil ku xukumay, sabab la xiriirta inuu burburiyay heshiisyo dhowr ah oo naftiisa lagu badbaadin lahaa, ilaa markii dambe heshiis uu Mareykanka la galay Xamaas lagu sii daayay.
Xamaas, ayaa ku dhawaaqay inay sii daayeen maxbuuska kaliya ee Mareykanka ah oo ay gacanta ku hayaan, kaddib wada-hadallo toos ah oo ururku la yeeshay Mareykanka, sida uu sheegay afhayeenka garabka hubaysan ee Xamaas, Abu Cubayda.
Ururka Xamaas , ayaa shaaca ka qaaday inay wada-hadal toos oo horumar sameynaya kula jiraan Mareykanka, si loo gaaro heshiis xabbad-joojin ah iyo in marinka Qasa loo oggolaado gargaarka bani’aadanimo, sida uu sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas u sheegay telefishinka Al Jazeera.
Sii deynta Edan Alexander ayaa weji gabax iyo fadeexad ku noqotay RW Netanyahu maadaama Israel aysan qeyb ka aheyn heshiiska lagu sii daayey, waxaana sii deyntiisa soo dhoweeyey Madaxweyne Trump oo amaanay markii u horeysay kooxda Xamaas.