Ciidamada dowlada oo gacanta ku dhigay labo nin oo xalay dilal geestay

Ciidamada booliiska federaalka ee Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay labo nin oo xalay dil ka geestay deegaanka Habar-Cirir ee gobolka Galgaduud, ragan dilka geestay ayaana gacanta lagu dhigay xili ay baxsad ku jireen.

Taliyaha Booliska degmada Matabaan, Dhame Cabdifitaax Maxamed Jaamac (Fooneeye) ayaa sheegay in ciidamada booliiska howlgal ay sameeyeen kusoo qabteen labo nin oo dil xalay geestay sidoo kale ku raad joogaan labo nin oo kale oo dilalkaasi ku lug lahaa.

Waxa uu sheegay taliyaha in ragan dilka geestay ee gacanta lagu dhigay la horgeyn doono cadaalad kuwa baxsadka ku jirana lasoo qaban doono, waxa uuna cadeeyay in ciidamada booliiska wadaan howlgalo .

Ragan ciidamada amaanka gacanta kusoo dhigeen ayaa xalay dilal salka ku haya aano qabiil kasoo geestay deegaanka Habar-Cirir, waxaana deegaanka dilka ka dhacay laga soo sheegayaa xiisad u dhaxeysa labo maleeshiyo beeleed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -