Kooxda hubeysan ee Ahlusunna oo si kulul u beenisay warar laga faafiyey

Kooxda hubeysan ee Ahlu-Sunna ayaa beenisay hadal ka soo yeeray taliyaha guutada 60aad ee ciidanka XDS  oo ku aaddanaa in ay diideen wadahadal iyo in xal loo helo khilaafka ka dhexeeya hogaanka Ahlusuna iyo Galmudug.

Madaxa Siyaasadda Ahlusunna Cabdisalaan Aadan Xuseen ayaa sheegay in aysan jirin cid wada hadal la furtay iyo cid goobta ay joogaan ugu timid toona.

Wararka la faafiyay ayuu ku sheegay iney yihiin kuwo wax kama jiraan ah oo dano siyaasadeed oo gaar ah laga leeyahay.

“Anagu marna ma diidin wadahadal iyo in xal nabadeed laga gaaro arrimaha taagan, balse maxaan diidnaa ma jirto cid noo timid oo wadahadal nala furtay” ayuu yiri Cabdisalaan Aadan Xuseen.

Taliyaha guutad 6aad ee ciidanka Xoogga dalka General Laba-Afle oo hogaaminayey xubnaha nabadeynta waday oo ka soo laabtay degaanka Bohol ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay ku sheegay in Ahlusunna ay ka socon weysay dedaalkii nabadeed ee ay wadeen.

“Dadaal dheer ayaan sameynay saraakiil ahaan, waxaan Bohol joognay 12-maalmood si aan ragga halkaas jooga uga baajino in dhiig dambe daato balse way naga diideen wax kasta oo aan xal ahaan u wadney, iyagoo ku adkeystay aragti aan soconeynin oo uu horey u sheegay hoggaamiyohooda, waana ka soo laabaney.” ayuu yiri General Laba-Afle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -