Allbanaadir.com
NEWS

Trump oo shaaciyey go’aan ka farxiyey Siiriya

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in maamulkiisa uu qaaday tallaabooyinkii u horreeyay ee lagu soo celinayo xiriirka diblomaasiyadeed ee Mareykanka iyo Suuriya , oo ay weheliso ka qaadista dhammaan cunaqabateyntii uu Mareykanku saaray Suuriya, si buu yiri fursad loo siiyo dawladda cusub.

Waxaa kaloo uu tilmaamay in dadaalka isku soo dhawaanshaha uu ku yimid dhiirri-gelinta dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed bin Salmaan iyo madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, markaasoo la arkay muuqaalka Maxamed Bin Salmaan oo boggaadin ay ka muuqatay

Talaabadan ayaa muujinaysa dadaalka uu Sacuudiga u galay inuu Mareykanka cunaqabateynta ka qaado Suuriya oo ay aqoonsadaan dawladda uu hoggaamiyo, Axmed Sharac oo berri la filayo inuu Riyaad kula kulmo Trump.

Dabaaldegyo ayaa caawa lagu arkay caasimadda Dimishiq iyo guud ahaan dalka Suuriya, kaddib markii uu maanta ku dhawaaqay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump , oo ku sugan Sacuudiga  inuu ka qaaday Suuriya, dhammaan cunaqabateyntii uu saaray Mareykanka, nidaamkii la riday ee Bashaar Al-assad

Tallaabadan ayaa gudaha Suuriya looga arkay guushii u sarreysay ee dadka Suuriya ay gaarayaan, tan iyo markii la riday Bashaar Al-assad.

Related posts

Booliska gobolka Banaadir oo xabsiga dhigay Fadumo Sahal Shariif

Caydiid Ali

Booliska DF oo lagu wareejiyey bur dhacay oo laga soo dejiyey dekeda Muqdisho

Caydiid Ali

Askarigii loo xiray dilka George Floyd oo mashaqo kale ay soo wajahday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---