Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Itoobiya oo shaacisay iney dib ula wareegtay Magaalooyin ay qabsatay TPLF

Ra’isal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa markii ugu horeysay kaasoo muuqday warbaahinta maxaliga ee dalkaas tan iyo markii uu ku dhawaaqay in furimaha dagaalka ka hogaamin doono ciidankiisa oo guluf kula jira falaagada TPLF.

Abiy ayaa wacad ku maray inuu aasi doono cadowga Ethiopia sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegtay in milatarigiisu ay dib u qabsadeen magaalada Kassagita ayna qorsheynayaan in ay dib u qabsadaan degmooyinka Chifra iyo Burka ee gobolka Cafarta ee deriska la ah gobolka Tigray, ee saldhigga u ah TPLF.

“Cadowgu malaha awood iyo adkeysi ay nagula dagaallamaan. waanna ka guuleysaneynaa,” ayuu yiri Abiy.

Wareysigan ayaa la sii daayay saacado ka dib markii dowladdu ay soo saartay sharciyo cusub oo ku aadan in xogta jiidaha dagaalka lala wadaago oo kaliya warbaahinta dowladda, taasoo ka dhigan cunnaqabateyn ka dhan ah warbaahinta iyo wariyeyaasha madaxa banaan.

Hadalka Abiy ayaa ku soo beegmaya iyadoo ciidamada Jabahadda TPLF ay guulo ka sheeganayaan dagaalka, iyagoo sheegay in toddobaadkan ay qabsadeen magaalo 220-km oo kaliya u jirta caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay Weerarkii Al Shabaab ku qaadeen saldhiga Milatari ee Camp Simba ee dalka…

Cabdi Cade

Madasha Badbaado Qaran oo maanta Muqdisho looga dhawaaqay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Qoor Qoor oo caawa magacaabay Wasiirro cusub (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---