Wararkii Ugu Dambeeyay Weerarkii Al Shabaab ku qaadeen saldhiga Milatari ee Camp Simba ee dalka…

Wararka ka imaanaya Gobolka Lamu ee dalka Kenya ayaa sheegaya in dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan Al Shabaab saakay aroor hore weerar isugu jiray ismiidaamin iyo mid toos ah ku qaadeen xero milataro oo kutaala deegaanka Manda Bay ee Gobolka Lamu.

Weerarka ayaa ku bilowday qaraxyo ismiidaamin ah oo lala beegsaday saldhiga, waxaana qaraxyada kadib xerada milatari weerar toos ah ku galay dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan Al Shabaab.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in xerada la weeraray ay joogeen ciidamo Mareykan iyo kuwa Kenyan ah ,waxa ayna Al Shabaab sheegeen in ay u suurto gashay in xerada ay galaan dagaalyahanadooda kana dhax dagaalamaan.

“Aroornimadii hore ee saaka oo axad ah, ciidamo gaar ah oo katirsan guutada Istish-haadiyiinta ee  Al-Shabaab ayaa weerar halyeeynimo ku qaaday saldhigga ciidamada badda Mareykanka ee loo yaqaano Camp Simba. Saldhigan oo ku yaalla deegaanka Manda Bay ee dhanka koonfureed kaga beegan xad-beenaadka Kenya iyo Soomaaliya ayaa hooy u ah boqolaal kamid ah ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kenya, waana mid ka mid ah saldhigyada laga soo qaado duullaanada Mareykanka ee ka dhanka ah Islaamka iyo Muslimiinta ee kasocda gobolka” ayaa lagu yiri warka Al Shabaab.

Al Shabaab warka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in dagaalyahanadooda u suurto gashay in si xeeladeesan uga gudbaan xerada milatari oo ah mid si weyn loo ilaaliyo, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in xerada hada ka dhax dagaalamayaan dagaalyahanadooda.

“Allaah fadligii, Dagaalyahanada Mujaahidiintu waxay ku guuleysteen inay si qarsoodi ah kaga gudbaan sufuufta cadowga, ayna weeraraan saldhigaas aadka loo ilaaliyo, waxayna hadda la wareegeen qeybo ka mid ah xerada, iyagoo sidoo kalena khasaare lixaadleh gaarsiiyey ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kenyaatiga ee halkaas dagan” ayaa lagu yiri warka Al Shabaab .

Dowlada Kenya ayaan wali faah faahin weerarkan Al Shabaab saakay aroor hore ku qaadeen xerada milatari ee kutaala gobolka Lamu, walina lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkan xoogan,

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco wararkayaga Dambe Insha Allah

 Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -