Ra’isul Wasaare Johnson oo ka naxay Muhaajiriin badan oo dhimatay Xili UK soo galayeen

Inta la xaqiijiyay 33 muhaajiriin ah oo doonayay inay u soo gudbaan dalka Britain ayaa ku dhintay xeebta u dhaxaysa Faransiiska iyo England, waxaana dadkan la degtay doontii ay la socdeen ay doonayeen in ay ku gaaraan dalka Britain.

Ururka Qaramada Midoobay ee muhaajiriinta ayaa sheegay in shilkani yahay kii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca xeebtaasi tan iyo intii ay billaabeen ururinta xogta dadka ku nafwaayay biyahaas sannadkii 2014kii.

Ra’isul Wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa sheegay inuu aad uga naxay waxa dhacay, isaga oo intaa ku daray in UK ay sameyn doonto tallaaba kasta si wax looga qabto kooxaha dadka tahriibiya ee halista galiya nolosha muhaajiriinta.

Mr Johnson waxa uu sheegay in dhimashadu ay tahay “musiibo”, isaga oo intaa ku daray inay muhiim tahay in la “jabiyo” dadka ka ganacsada rahriibinta dadka, kuwaas oo uu sheegay in ay “si dhab ah uga baxsanayaan dilka”.Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in wax badan laga qabto sidii loo joojin lahaa dambiilayaasha abaabulan.

Mashaqadan ayaa imaaneysa xili muhaajiriinta ku sugan dalka Faransiiska ee doonaya in ay galaan dalka UK ay sii kordhayaan, waxaana laga cabsi qabaa in mar kale dhacaan mashaqadan oo kale hadii aan xal loo helin qol qolka Muhaajiriinta kusii jeeda UK.

 

- Advertisement -