Khasaraaha ka dhashay Qaraxii ka dhacay Muqdisho oo la shaaciyay iyo Al Shabaab oo…

Qarax xoogan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo nuucisa lagu sheegay Surf ayaa saakay ka dhacay kasoo horjeedka Dugsi Sare Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka booliiska Soomaaliya Cabdi Fitaax Aadan Xasan ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in qaraxa lala eegtay gaadiid ay leeyihiin ilaalada Qaramada Midoobay oo marayay goobta uu qaraxu ka dhacay.

Waxa uu sheegay afhayeenka in qaraxa ku dhinteen dad gaaraya 8-qof ay ku jiraan dad shacab ah halka ay ku dhaawacmeen 17-qof oo kale, mana kala saarin afhayeenka dadka ay waxyeelada kasoo gaareen qaraxan.

“25-11-2021 abaaro 07:32hrs waxaa Qarax gaari ka dhacay inta u dhaxeysa isgoyska Tarabuunka iyo Guriga Ex.M. Cabdiqaasim gaar ahaan Afaafka Hore ee Iskuulka Mocaasir oo kuyaala kasoo horjeedka Dugsi sare Banaadir, Gaariga Qarxay Noociisu waa Surf kana yimid dhanka Tarbuunka taarget.ka wuxuu ahaa Baabuurta waardiyeysa UN.ka ee looyaqaano Duguf Security Qasaaruhuna ay Turakoobeen Boliisku waa 8 Dhimasho ah iyo 17 Dhaawac ah” ayuu ku yiri qoraal kasoo baxay afhayeenka booliiska.

Al Shabaab ayaa durba sheegatay masuuliyada qaraxan xoogan ee saakay ka dhacay magaalada Muqdisho, waxa ayna Shabaab sheegeen in qaraxa la beegsadeen saraakiil milatari oo cadaan ah kuwaa ay tilmaameen in ay kusii jeedeen xerada Xalane.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -