Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

C/hi Max’ed Nuur: “Suuragal maaha in ajende COVID-19 ah loo dalbado 200 oo Maleeshiyo ah”

Xildhibaan C/llaahi Max’ed Nuur oo ka mid ah xubnaha Golaha shacabka ee sida weyn u mucaaradsan Farmaajo ayaa eedeyn culus u jeediyey Guddoonka golaha shacabka.

C/llaahi Maxamed Nuur ayaa ka mid ahaa xildhibaanadii is’hortaagay maanta inuu furmo kalfadhiga golaha shacabka oo ajendihiisu ahaa COVID-19 balse ka shaki qabay inuu jiray qorshe muddo kororsi oo uu waday Mursal.

Waxaa uu sheegay inta aysan xarunta soo gaarin ay ka war hayeen in ajandaha kulanka uu yahay muddo kororsi, markii ay yimaadeena ay arkeen ciidamo uu ku tilmaamay maleeshiyaad kasoo goostay Al-Shabaab oo ka socday NISA.

“Maanta waxa Baarlamaanka ka dhacaya waa wax fowdo ah, ujeedka maanta kalfadhiga loo furayayna waxey aheyd in madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday loo sameeyo muddo kororsi laba sano ah.” ayuu C/llaahi Maxamed Nuur.

Waxaa uu intaas ku daray in Farmaajo uu ku fashilmi doono qorshe kasta oo uu ku doonayo in muddo kororsi loogu sameeyo.

“Mudddo kororsiga horay waan u ogeyn balse waxey xaqiiqo noo noqotay saaka markaan Baarlamaanka ugu nimiday 200 maleeshiyaad ah oo intooda badan yihiin kuwa asalkooda kasoo goostay Al-Shabaab, suurtagalna maahan ayadoo COVID-19 laga hadlaayo in 200 askari oo hubeysan la keeno” ayuu yiri.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Wasiir Max’ed Barre & dhigiisa Sandra Bergqvist oo labo qodob ka wada hadlay

Caydiid Ali

Madaxweyne Zelensky oo shaaciyay tirada ciidamada Ruushka uga dileen dagaalka Ukraine

Cabdi Cade

Wararkii ugu dambeeyey xaalada cudurka Coronavirus ee gudaha Soomaaliya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---