Nin Walaalkiis ku dilay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Waxaa galabta Xaafada Sanca ee Magalada Muqdisho ka dhacay dilal argagax leh, kadib markii nin hubeesan uu dil bareer ah u geestay nin la sheegay in Ilmo abti ahaayeen.

Sida aan wararka ku heleyno ninka dilka geestay ayaa lacago deyn ah ku lahaa ninka uu dilay, waxaana la sheegay markii uu weediiyay deynta kana waayay ku dhuftay lix xabadood.

Qof goobjooge ahaa ayaa sheegay in dilka kahor labada nin uu dhax maray muran , waxaana markii dambe ninka dilka geestay oo bistoolad watay lix xabadood ku dhuftay ninka ay ilmo abtiga ahaayeen.

“Galabta ayuu dilka dhacay Ninka wax dilay ninka kale Gurigiisa ayuu ugu tegay lacag uu ku lahaa ayuu weeydiistay laakin wuxuu ku yiri lacagtaada kuuma haayee waxad rabto samey,kadib bustoolad ayuu la soo baxay laba Xabo ayuu ku dhuftay markii uu dhulka dhacay 6 kale ayuu ugu daray.” Ayuu yiri goobjooge.

Dilalka argagaxa leh ee dhax mara dadka ehelka ah iyo sidoo kale dilalka kale ee ku saleesan guurka ayaa mudooyinkan kusoo badanayay magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -