Allbanaadir.com
NEWS

Taliska Milatariga oo ciidamada uga digay in ay faragalin ku sameeyaan Doorashada

Taliska ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa uga digay ciidamada qalabka sida in ay ku milmaan siyaasada xiligan kala guurka ah ayna faragalin ku sameeyaan doorashada dalka ka bilaabatay.

Taliyaha ciidamada Lugta ee Xoogga dalka ee Soomaaliyeed, General Maxamed Tahliil Biixi ayaa uga digay ciidamada kala duwan ee dowlada in ay ku milmaan siyaasadaha iska soo horjeeda faraglina ku sameeyaan doorashooyinka.

Waxa uu sheegay taliyahan in ciidamada dowlada doorkooda yahay kaliya sugida amaanka doorashada, waxa uuna u sheegay ciidamada in aysan wax lug ah ku yeelan karin arimaha siyaasada iyo doorashooyinka.

Hadalkan kasoo yeeray Janaraal Biixi ayaa kusoo aadaya xili siyaasiyiinta mucaaradka ka cabanayaan faragalin ay wadaan taliyaal ciidan, waxaa sidoo kale warkan imaanayaa xili la sheegay in ciidamada dowlada ergo ahaan loo qoranayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Hay’addii ugu horreysay ee Dowladda Soomaaliya oo heshay shahaadada ISO

Cabdi Cade

Xaaf oo kulan xasaasi ah la qaatay Guddi uu Magacaabay Baarlamanka Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali

Raisul Wasaare Xamza oo ka hadlay geeridii ku timid Marxuum Cali Muuse Cabdi

Caydiid Ali
Taboola Ads ---