Raisul Wasaare Xamza oo ka hadlay geeridii ku timid Marxuum Cali Muuse Cabdi

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa uga tacsiyeeyey ehellada, bahda saxaafadda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, geerida ku timid suxufi Cali Muuse Cabdi oo ku geeriyooday dalka Talyaaniga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay marxuumka inuu ahaa tiir ka baxay saxaafadda iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, wuxuuna allah u waydiiyey naxariistiisa janno inuu ka waraabiyo, inagana samir iyo iimaan naga siiyo.

Marxuum Cali Muuse ayaa ahaa suxufi rug caddaa ah, oo muddo dheer ka shaqeynayay Warbaahinta gudaha iyo dibedda.

Dalka Talyaaniga oo uu mudooyinkan degenaa ayuu ku geeriyooday xalay Cali Muusa Cabdi kadib markii uu xanuun kusoo booday.

Cali Muuse ayaa horey ugu soo shaqeeyey hay’ado warbaahineed oo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen wakaaladda wararka AFP, ANSA iyo BBC.

- Advertisement -