Allbanaadir.com
NEWS

Hay’addii ugu horreysay ee Dowladda Soomaaliya oo heshay shahaadada ISO

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Soomaaliya ayaa heshay Shahaadada ISO 9001:2015, taasoo ka dhigeysa hay’addii ugu horreysay ee dowladda federaalka katirsan oo hesha shahaadada ISO.

Shahaahadan si loo helo ayaa ISO, HIQ waxay martay hannaan qiimeyn ah oo ay ku jiraan horumarinta hab maamulka tayeysan, baaris iyo dib-eegis dukumentiyada habka maamulka iyo qiimeyn guud oo dhammeystiran.

“Farxad gaar ah ayay noo tahay inaan guddoono shahaadadan caalamiga ee ISO, tanina waxay ka tarjumeysaa balanqaad joogto ah oo ay HIQ ku qaadaneyso dhaqamada ugu wanaagsan ee hab maamulka taysan. Waxay muhiim u tahay hirgelinta qorsheyaasha kor loogu sii qaadaayo hay’adda iyo soo bandhigidda isbeddel weyn oo ku yimaada hababka shaqada.” Ayuu yiri Maareeyaha Guud ee HIQ, Md. Mustafa Yaasiin Sheekh, oo soo dhaweeyay guushan.

“Go’aanka aan ku buuxinay shuruudaha caalamiga ee Hab Maamulka Tayeysan waxay muujineysaa sida ay nooga go’antahay fududeynta iyo horumarinta Isgaarsiinta iyo Teknoolojidda dalka.” Ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo Shaacisay in qaar kamid ah ragii fuliyay Weerarkii Muqdisho in iyaga oo nool ay …

Cabdi Cade

Morgan Tsvangirai oo ku geeriyooday dalka Koonfur Afrika

Cabdi Cade

Wiil ku labistay Dareeska ciidanka Milatariga Somaliland oo xabsiga la dhigay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---