Gabadhii u doonnanayd Jamal Khashuqji oo Fariin Codsi ah u dirtay Fanaan Dunida Caan ka ah

Hatice Cengiz oo ah gabadhii u doonanneyd Wariyihii reer Sacuudi Jamal Khashqji ee lagu dhax dilay Qunsuliyada Sacuudiga ku leeyahay magaalada Istanbuul ayaa codsi u dirtay Fanaanka caanka ah ee Justin Bieber.

Fanaankan iyo kuwa kale oo dunida caan ka ah ayaa bandhig faneed ku qabanaya Boqortooyada Sacuudiga, waxa uuna Fanaankan qeyb ka noqonayaa tartanka ugu horeeya ee Formula One Grand Prix ee lagu qabanayo Sacuudiga.

Gabadha reer Turki ee u doonnaneyd Jamal Khashqji ayaa warqad furan ay u dirtay Fanaanka reer Canada ee Justin Bieber uga codsatay in uusan ka qeyb galin bandhiga weyn ee Formula One Grand Prix ee lagu qabanayo Jiddah iyo bandhig faneedka.

“Ha u heesina gacan-ku-dhiiglayaasha dilay Jamaal-kii aan jeclaa” ayay Ms Cengiz ku qortay warqadda lagu daabacay Washington Post, waxa ayna ka codsatay Justin iyo fanaaniinta kale in ay ka fiirsadaan Go’aanka Sacuudiga ku tagayaan.

Hatice Cengiz, ayaa sheegtay in fanaanka Justin Bieber uu heesto fursad uu uga hortagi karo in magaciisa iyo sumcadiisa aan loo adeegsanin soo celinta sumcadii dhimatay ee Boqortooyada Sacuudiga.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa dalkeeda ku marti galineysa Fnadhig faneed weyn ay ka qeyb qaadanayaan fanaaniin caan ka ah dunida si Sacuudiga u muujiyo isbadalka dalkasai ka dhacay, waxaa sidoo kale dalkaasi marti galinayaa tartanka Formula One Grand Prix .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -