Orodyahan Dunida Caan ka ah oo ku biiraya Dagaalka ka socda Dalka Itoobiya

Dalka Itoobiya waxaa ka socda dagaalo xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada federaalka Itoobiya iyo xoogag taabacsan Jabhada TPLF , dagaalka ayaana hada yeeshay waji cusub isagoo kusii fidaya dhul hor leh.

Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed iyo masuuliyiin kale ayaa tagay jiidaha hore ee dagaalka si ay u dhiiro galiyaan ciidamada federaalka sidoo kale qeyb uga noqdaan hogaaminta dagaalka ka dhanka TPLF iyo xoogaga kale ee taabacsan.

Orodyahanka dunida caanka ah ee ka qeyb galay tartanka olimbikada ee adduunka ee u dhashay  Itoobiya Haile Gebrselassie ayaa shaaciyay in uu ku biirayo dagaalka uuna tagayo jiidda hore ee dagaalka ka dhanka ah Jabhada TPLF.

Waxa uu sheegay Haile Gebrselassie, in uu qeyb ka noqonayo difaaca Qaranimada Itoobiya una hurayo naftiisa, waxa uuna dadka kale ee Itoobiyaanka ugu baaqay in ay qeyb ka noqdaan dagaalka ka dhanka ah TPLF uu ku tilmaamay koox qaran dumis ah.

Dagaalka ka socda dalka Itoobiya waxaa sidoo kale ku biiray qeybna ka ah dad kale oo caan ka ah gudaha Itoobiya ayna ku jiraan odordyahano kale , waxa ayna dhamaan dadkan hubka u qaateen sidii Tigrey uga difaaci lahaayeen magaalada Adis Ababa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -