Facebook oo maalmaha soo socda Magaca laga bedelayo iyo ujeedada ka dambeysa

Maalmaha soo socda Facebook ayaa yeelan doonaa magac cusub oo aan ahayn Facebook waxaana sababta lagu sheegay dib u casriyeyn.

Shirkadda Facebook ayaa sanadihii ugu danbeeyay waxay xoogga saareysay teknolojiyadda ku saleysan aragtida mala-awaalka ah (Metaverse concept).

Hadda markaad qof meel kale jooga si live ah kaamirada ugala sheekeysaneyso waxaad un u jeedaa qofka oo qeyb ka mid ah gurigiisa fadhiya umana jeedid wax aan ka ahayn inta kaamiradu qabaneyso balse halka shirkaddu hadda u socoto waa in qofka wax daawanayaa dareemo sidii in uu qofka la joogo oo aad u jeedeyso dhamaan hareeraha qofka, alaabta guriga taala, iyo inaad xitaa si mala awaal ah qofka jirkiisa u taaban karto.

Teknolojiyadda virtual reality oo ah midda ay shirkaddu aad u isticmaali doonto sanadaha soo socda waxay dadka isaga soo dhawayneysaa sida ay manta u isticmaalaan baraha bulshada.

Sanadkii 2014 markii shirkadda Facebook ay 2 bilyan ku iibsatay  indha gashiga Oculus Rift ayuu soo bilowday qorshaha ah in Facebook gu u wareego dunida aragtida mala-awaal ah ee loo yaqaano (World of VR).

Marka Faceboogu magaca badasho waxay sidoo kale badali doonaan habka uu hadda u shaqeeyo ee ah 2D space ka ah oo ah  inaad un arkeyso waxa qofka aad la hadlayo ku tuso wuxuuna noqon doonaa 3D space oo ah inaad dareento sidii inaad qofka la fadhiso.

Qalabka shirkadda Oculus oo uu Facebook gu leeyahay hadda waxaa iibsada dad aan sidaa u badneyn balse marka Facebookgu magaca badasho ayna ku dhawaaqaan adeegyadooda cusub ee VR ka, waxaa aad loo iibsan doonaa qalabkooda si dadku uga faa’ideystaan teknolojiyadaan.

Magaca cusub ee Facebook weli lama oga balse waxaa loo malaynayaa inuu noqon doono mid la xiriira ereyga (horizon) oo ah magac uu hadda si dadban u isticmaalo.

Qore: Maxamed Abdullahi Aadan

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -