Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxkamada ICC oo dalbatay in la soo xiro Raisul Wasare Netanyahu & Wasiirkiisa Difaaca

Dacwad oogaha maxkamadda Dembiyada Caalamiga (ICC) ayaa dalbaday in la soo xiro Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu iyo Wasiirka gaashaandhigga Yoav Gallant.

Sidoo kale waxaa ay maxkamadda dalbatay in la soo xiro hoggaanka sare ee ururka Xamaas, kuwaaso kala ah; Ismail Haniya, madaxa siyaasadda ee ururka Yaxye Sinwar, madaxa Xamaas ee Qasa iyo taliyaha guutada hubaysan ee Xamaas, Maxamed Deif.

Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda  Dembiyada Caalamiga ah (ICC), Karim Khan ayaa shaaciyey go’aankan.

“Netanyahu iyo Gallant ayaa mas’uul ka ah dembiyada ka dhanka ah aadanaha ee ka dhacaya Qasa, Waxay sababeen dabar goynta dadka iyo gaajada oo ah ficil dagaal — Haddii aynaan muujin rabitaankeena ah inaan si siman u ixtiraamno sharciga, tani waxay la macno tahay burburka sharciga.” ayuu yiri

Waxaa kalo uu dembi dagaal u aqoonsaday weerarkii Xamaas ay qaaday 7 Oktoobar.

Markii uu soo baxay go’aankan, warbaahinta Israa’iil ayaa bilowday inay ku sheegto go’aan ceeb caalami ah ku ah Netanyahu oo inta ay dacwada socotay dadaal ku bixinayay inuusan soo bixin go’aanka ay ICC ku dalbaynayso in la soo xiro.

Related posts

Al Shabaab oo Weerar gaadmo ah ku qaaday ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya

Cabdi Cade

Ogow Tirada lacagta ay Xildhibaanada Galmudug ka heleen Doorashada maanta dhaceysa

Cabdi Cade

Daawo: Maxaad kala socotaa hashii Mucjisada aheyd ee la siiyey Nebi Saalax CS?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---