Axmed Madoobe oo lagu celiyey mid ka mid ah Musharaxiintii uu u Magacaabay Aqalka sare

Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland ayaa u soo jeediyey Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam inuu soo badalo Cali Maxamed Cali oo ka mid ahaa xubnihii uu u magacaabay doorashada aqalka sare.

Cali Maxamed Cali ayaa liiska uu soo saaray Axmed Madoobe kula qornaa Xasan Dahir Yarow, waxayna guddigu sheegeen Cali Maxamed Cali uu ka baaqday inuu iska diiwaan geliyo Xafiiska SEIT Jubbaland.

Todoba ka mid ah sideed xubnood oo Axmed Madoobe u magacaabay iney ku tartamaan afar kursi oo ka dhimanaa kuraasta aqalka sare ee Jubbaland ayaa maanta iska diiwaan geliyey Xafiiska SEIT Jubbaland ka dib markii ay soo buuxiyeen shuruudihii looga baahnaa.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA AXMED MADOOBE LOO DIRAY.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -