Maxay ka wada hadleen Wasiirada arrimaha dibeda ee Somalia iyo Kenya? (Sawirro)

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Ahmed Ciise Cawad iyo dhigiisa Kenya Raychelle Omamo ayaa kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalada Nairobi.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, xal u helida arrimaha ka jira xadka iyo sidii labada dal u hagaajin lahaayeen xiriirkooda diblomaasi oo mudooyinkan sii xumaanayey.

Waxay sidoo kale labada dhinac ka wadahadleen shirka lagu wado in magaalada Nairobi dhowaan ku yeeshaan labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya, waxaana diirada la saaray ajendayaasha shirka labada Madaxweyne iyo xiliga uu kulankaas dhacayo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu dhowaan booqasho ku tago magaalada Nairobi, kaddib markii uu martiqaad ka helay dhigiisa dallaas Uhuru Kenyatta.

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxay dhowaan midba mida kale ku eedeysay iney ku xad gudubtay madax banaanideeda ayna fara gelisay arrimaha gudaha dalkeeda, waxaana arrinta uga sii daray xiisad ka taagnayd xadka labada dal oo xaalada cirka ku sii shareertay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -