Rooble oo si kulul uga hadlay falkii ay saaka ku dhaqaaqeen kooxda Al-Shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa cambaareeyey falkii saaka Al-shabaab ay ku gubeen duleedka degmada Waajid ee gobolka Bakool raashin iyo hanti ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa falkaas ku tilmaamay qeyb kamid ah arxan darada kooxaha banaystay dhiigga iyo hantida shacabka Soomaaliyeed, sida uu yiri, kuwaasoo uu sheegay iney sanado badan go’doomin ku hayeen degaanno dhaca gobolka Bakool.

“Tani waxay tusaale u tahay in kooxdani meesha ugu fog ka gaartay naxariis darrida iyo u turid la’aanta dadka iyo xayawaankaba, falalka noocan ahna waxay soo taxnaayeen sanado badan oo ay kooxdu go’doomin ku haysay Waajid iyo deegaanno kale”. ayuu yiri Rooble

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku ammaanay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed gurmadkii ay u fidiyeen dhibanayaashii cadowgu waxyeellada u geysteen, isagoo ku baaqay in loo midoobo ciribtirka kooxaha argagaixisada ah ee waxba hambaynayn sida uu hadalka u dhigay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -