Axmed Fiqi oo kashifay ujeedka Qoorqoor ka leeyahay dagaalka Ahlu sunna

Wasiirkii hore ee Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa faafhaahin ka bixiyey xaaladda cakiran Galmudug iyo sababihii keenay inuu xilka isla casilo ka dib shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho.

Fiqi ayaa sheegay in maamulka Galmudug uu iskaga casilay abaabulka colaadeed ee ka socda magaalada Dhuusamareeb.

“Waxaan isku dayey inaan ku qanciyo inuu ka baaqsado dagaal uu ku qaado Ahlu Suna, laakiin wuxuu ku adkeysay inuu la dirirayo oo ay uga darran yihiin Alshabaab, kadibna isagoo ila tashan ayuu ku daabulay ciidamo gorgor iyo Haramcad isugu jira, iyadoo Farxaan Qaroole uu Dhuusamareeb u tegay inuu weerar ku qaado Ahlu Suna” ayuu yiri Axmed Fiqi.

Waxaa uu sheegay inuu la hadlay hoggaamiyaha ahlu sunna Macalin Maxamuud, uuna u sheegay inuu diyaar u yahay wadahadal. isagoo xusay inuu isagu qorsheeyey inuu tago Guriceel oo war ka keeno, laakiin uu ku gacan seyray Qoorqoor.

“Waxaa shaki weyn nagu abuuray in Guriceel la weerarro iyadoo ay Alshabaab Dhuusamareeeb u jirto 20 KM, waxaan fahmi weynay in madaxweynihii Galmudug uu dhiig daadinteeda ka shaqeeyo” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Fiqi ayaa xusay in dagaalka xilliga Doorashooyinka lagu soo aadiyey uu yahay mid lagu doonayo inay colaad iyo dagaal Galmudug lagu abuuro, sidaasina doorashadii lagu qaban waayo ka dibna muddo kororsi la sameysto.

Wuxuu ugu baaqay taliyaha ciidamada Booliska G/banaadir Farxaan Qaroole inuusan eed cusub ka gelin dadka Galmudug, isagoo Madaxweyne Qoorqoor kula taliyey inuusan dagaal iyo barakac u horseedin shacabka maamulkiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -