Duqa Muqdisho oo kulan deg deg ah la qaatay Guddoonka sare ee Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo kulan la qaatay guddoonka sare ee maamulka gobolka Banadir, ayaa ugu horeyn waxa uu ka warbixiyay safar shaqo oo uu dhawaan ku tagay dalka Turkiya iyo kulan uu la yeeshah Duqa Magaalada Ankara, kaasi oo ay labada dhinac isla meel dhigeen xoojinta wada-shaqeynta labada dhinac iyo fulinta heshiisyada mataaneyn ee Ankara iyo Muqdisho.

Shirka ayaa loogu hadlay xal u helida musiibooyinka ka dhashay roobabkii daadadka watay ee ka da’ay Muqdisho, maareynta goobaha ay biyo dhigeen, u-gar gaarida shacabka ay waxyeelada kasoo gaareen iyo soo celinta Bilicda Caasimadda, iyadoona loo mahadceliyay guddiga heer gobol ee la fal-gelida xaaladaha El-Nino oo iyagu shaqooyin muhiim ah qabtay una taagan samatabixinta Bulshada.

Guddoonka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa qeybaha kala gedisan ee bulshada ugu baaqay in loo midoobo xaaladaha ka dhashay iyo kuwa ka dhalan kara Allaha ummada ka najeeyee saadaasha laga bixinaayo El-Nino ee ah in weli qeybo ka mid ah gobolada dalka ee kusoo fool leeyihiin roobab wata dabeylo iyo daadad laga cabsi qabo in ay waxyeelo geystaan.

Ugu Dambeyn guddoonka maamulka gobolka Banaadir ayaa uga digay dadka dagan goobaha biyo qabadyada iyo kuwa ku hoos nool guryaha bur-bursan hoostooda in ay ka feejignaadaan qataraha la saadaaliyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -