Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Somalia oo soo saartay amar looga guurayo dhul ku yaalla degmada Dayniile

Wasaaradda warfaafinta Somalia ayaa dadka deggan Ex- xaruntii War laliska Radio Muqdisho ugu baaqday inay baneeyaan dhulkaas.

War ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu faray qoysaska degan xaruntii Warlaliska iney deg deg uga guuraan halkaas.

“Waxaa la farayaa dadka deggan dhulka war-laliska Radio Muqdisho ee ku yaala degmada Dayniile ee gobolka Banaadir inay uga guuraan sida ugu dhaqsiyaha Badan” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Wasaarada warfaafinta.

Maamulka gobolka Banaadir, kan  degmada Dayniile iyo taliska qaybta guud ee Booliska ayey Wasaaradda ka codsatay iney doorkooda ka qaataan sidii loo baneyn lahaa dhulka War-laliska Radio Muqdisho ee degmada Dayniile oo baahi degdeg ah ay u qabto wasaaraddu sida qoraalka lagu yiri.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Mareykanka oo Baaq u dirtay Dowlada federaalka iyo Maamul goboleedyada

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo Magacaabay agaasimaha cusub ee Villa Somalia

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Rooble & wafdi uu horkacayey oo Muqdisho ku soo laabtay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---