Allbanaadir.com
NEWS

Rabshado ka dhacay Istanbuul iyo dad badan oo la xir xiray

Ciidamada amaanka Turkiga, ayaa boqolaal qof ku xiray magaalada Istanbul, waxaana 50,000 oo askari oo booliis ah loo daabulay magaalada iyagoo isku dayaya inay joojiyaan dibadbaxyo halkaa ka bilowday shalay oo ay ku beegneed maalinta shaqaalaha adduunka.

Gaadiidka dadweynaha ee magaalada Istanbuul ,ayaa sidoo kale la joojiyay si dadka looga ilaaliyo inay gaaraan fagaaraha Taksim, halkaasoo tan iyo 2013-kii laga mamnuucay dibadbaxyada.

Muuqaal laga soo duubay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, ayaa muujinaya iska horimaad dhexmaray ciidamada booliska ee ka hortaga rabshadaha iyo dibadbaxayaasha, iyadoo dibadbaxayaasha ay ku dhawaaqayeen erayo ka dhan ah dowladda. Booliiska ayaa xiray boqolaal qof waxayna si qasab ah ku geeyeen goobaha dadka lagu hayo.

Magaalada waxaa bishii Maarso ka dhacay mudaaharaadyo waaweyn ka dib markii la xiray duqa magaalada oo ah mucaarad laguana magacaabo Ekrem Imamoglu, oo ah ninka ay sida weyn u loolamayaan madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Dadweynaha Istanbul ayaa sanad walba 1-da May socod ku mara wadddooyinka, iyadoo ay ay hogaaminayaan shaqaale iyo ururo, taasoo qeyb ka ah dabaaldega maalinta shaqaalaha aduunka ee wadamo badan.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Suuriya & Ciraaq oo sheegay In Mareykanku ka laayey dad shacab ah (Sawirro)

Caydiid Ali

Maamulka G/Banaadir oo shaqada ka joojiyey Saraakiil lagu eedeeyey musuq-maasuq

Caydiid Ali

Shabaabkii laga saaray qaar kamid ah gobolada dalka oo la sheegay in Muqdisho soo galeen

Cabdi Cade
Taboola Ads ---