Allbanaadir.com
NEWS

Puntland iyo DFS oo ku murunsan cida maamuleysa waddo laami ah oo la dhisayo

Xukuumadda maamulka Puntland ayaa mar kale ka hadashay khilaafka ka taagan cidda maamulaysa mashruuca dhismaha jidka laamiga ah ee Gaalkacyo-Xarfo ee gobolka Mudug.

Mashruuca dhismaha jidka laamiga ah ee Gaalkacyo-Xarfo ayaa waxa ku muransan dowladda Federaalka Soomaaliya oo doonaysa in ay si toos ah u maamusho iyo xukuumadda Puntland oo diiddan in mashruuca Xamar laga maamulo.

Wasiirka Hawlaha guud iyo gaadiidka Puntland Faarax Cawad Jaamac oo ka hadlay khilaafka ka taagan arrintaasi ayaa sheegay in aysan mashruucaasi maamuli doonin cid aan Puntland ahayn taasi oo meesha ka saaraysa damaca Villa Somalia ka haya mashruucaasi.

Wasiir Faarax Cawad ayaa sidoo kale sheegay in ay dadaal kasta ku bixin doonaan sidii lagu hirgelin lahaa dhismaha jidkaasi laamiga ah islamarkaana wuxu muujiyay sida ay uga go’an tahay dowladda Puntland.

Dhismaha jidka laamiga ah ee Gaalkacyo iyo Xarfo ayaa in mudda ah u xayiran khilaaf u dhexeeya xukuumadda Puntland iyo Villa Somalia oo raadinaysa in ay mashruuca maamusho islamarkaana qandaraaska laga bixiyo Muqdisho.

Related posts

Farmaajo oo go’aan culus ka qaatay Kenya & DF oo ka jawaabtay cabasho ka timid..

Caydiid Ali

Ciidanka DF oo dilay nin miino aasayey, Mid kalena qabtay

Caydiid Ali

Ciidamada Amaanka oo Muqdisho ku qabtay Hub iyo maandooriye (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---