Maxaa looga hadlay shirkii Madaxweyne Qoorqoor & Saraakiisha AMISOM? (Sawirro)

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay Taliyaha ciidanka AMISOM iyo saraakiil uu hoggaaminayay.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha Doorashooyinka dalka iyo xaqiijinta Amniga goobaha lagu qabanayo

Kulanka kadib, Saraakiisha ayaa Kormeer ku tagay goobaha loo asteeyey iney ka dhacdo Dorashooyinka xildhibaanada ee Magaalada Dhusamareeb.

Kulankan ayaa ku soo aadaya xili xiisado colaadeed oo u dhexeeya maamulka Galmudug iyo ahlu suna ay ka jiraan degaano ka tirsan Galmudug gaar ahaan nawaaxiga degaanka Guriceel.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -