Taliban oo kumanaan Shiico ah qasab kaga saartay guryahooda (Sawirro)

Kooxda Taliban ee la wareegtay dalka Afghanistan ayaa lagu eedeynayaa iney guryahaooda ka saarayaan boqollaal qof oo ka soo jeeda beesha laga tirada badan yahay ee Hazaara.

Wararka ayaa sheegaya ilaa iyo horraantii bsihii hore in ka badan 1,200 oo qoys oo ku noolaa Gobolka Daikundi oo ku yaalla bartamaha dalkaasi in guriyahooda laga saaray.

Maamulka Taliban ayaa ku doodaya in dadkaasi guryaha laga saarayo ay sharci darro ku deganaayeen, halka dadka degaankana ay sheegayaan iney dadkaasi haystaan caddeymo sharci ah.

Tallaabbadan ay waxay sababtay iney hoy la’aan noqdaan afar kun oo qof, iyadoo maamulka taliban aysan dib u dejin ama guryo kale siinin dadkan laga saarayo guryahooda

Sida horeyba u dhacday Barakicintan ayaa noqotay mid sii xoojisay cabsida laga qabo iney Taliban ay markale dhibaateeyaan dadka laga tirada badan yahay ee Shiicada Hazara.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -