Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xildhiban Faarax C/Qaadir oo si adag uga hadlay Dacaayad laga fidiyay isaga iyo Madax kale

Xildhibaan Faarax Cabduqaadir oo kamid ah Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa si adag uga hadlay Muuqaal dacaayad u badnaa oo laga fidiyay madax kala duwan oo katirsanaa dowladii Xasan Sheekh Madaxweynaha ka ahaa.

Qoraal uu Xildhibaanka uga hadlay Dacaayada laga fidiyay ayaa u qornaa sida tan :

“Ma dooneyn in aan u Jawaabo Canug yar oo Qalbiisu Maran yahan  Garaadkiisu dhameystirneyn isla markaana aan aqoon u lahayn Saxaafadda  balse  waxaan gartey in aan wax ka iraahdo waxa uu iga sheegey, marka Hore waa Qof an la socon waxa laga soo marey Dalkaan iyo sida maanta halkaan lagu soo gaarsiiyey  “ sidaa waxaa yiri Xildhibaan Faarax Shiikh Cabduqaadir  oo ii waramey kana jawaabayey Warbixin uu ku tilmaamey mid  Been abuurka ahayd oo Baraha Bulshada uu Dhigay Cabdirisaaq Tere  waxaa uu sii raaciyey

“Warbixintaas waa mid saan tirasho ah  waxaa soo diyaariyey ragga maanta Villa Soomaaliya Fadhiya  oo lagu qarinayo Fashilka ku yimid Wax qabad la’aanta Mudadii labada Sano  ahayd ee ku timid Amaanka, la Dagaalkanka Alshabaab, Adeega Bulshada , Musuqa iyo Dib u heshiisiinta”

“Waxaa Wanaagsan in aad Dib isugu laabataan oo Hoos isu Dhugataan oo aydaan ku Mashquulin Siyaasiyiinta idiin ka soo horjeeda sidoo kale aad sameysataan Lataliyayaal idiin soo sheega  Xaaladda Dalka hadba meesha ay marayo  oo ka duwan kuwa maanta idiin soo soo gudbiya Wararka Been abuurka ee lagu weerarayo Siyaasiyiinta Dalkaan wax u qabtey oo waqtiga adag Bulshadooda la soo qaybsadey ”

 Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaraxyo Xoogan iyo Rasaas wali ka dhax socota caawa ka dhax socota Hotelka Xayaat

Cabdi Cade

Axmed Madoobe booqday Taliska qaybta labaad ee howlgalka AMISOM (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Farmaajo oo ka qeyb galay Shir deg deg ah ay yeesheen Madaxda IGAD (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---