Abiy Ahmed oo Golihiisa Wasiirada ku soo daray siyaasiyiin Mucaarad ah (Magacyada)

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa maanta ku dhawaaqay Golihiisa Wasiirada Xukuumadda cusub ee dalka Itoobiya oo ka kooban 22 wasiir.

Abiy Ahmed ayaa dib u magacaabay wasiiradii hore qaarkood sida wasiirkii Maaliyadda Axmed Shiddo oo xilkiisii ku soo noqday, wuxuu ku soo daray xukuumadda saddex xubnood oo ahaa hogaamiyayaasha mucaaradka

Abiy ayaa Prof. Berhanu Nega, Guddoomiyihii xisbiga Muwaadiniinta Itoobiya ee Caddaaladda Bulshada ou magacaabay Wasiirka Waxbarashada.

Belete Molla oo ahaa Guddoomiyihii Dhaqdhaqaaqa Qaranka ee Amxaarada (NMA) aya isna loo magacaabay Wasiirka Hal-abuurka iyo Teknolojiyada.

Kejela Merdasa oo ahaa Madaxweyne Ku -xigeenkii Jabhadda Xoreynta Oromada (OLF) loo magacaabay Wasiirka Dhaqanka iyo Ciyaaraha.

Madixii KMG ahaa ee dowladda Itoobiya u magacawday maamulkii fashilmay ee Gobolka Tigray Abraham Belay ayaa isna loo magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga Itoobiya.

HOOS KA AKHRISO LIISKA GOLAHA WASIIRADA ITBOOYA

1- Demeke Mekonnen Hassen – ku-xigeenka Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka arrimaha dibadda

2- Abhrham Belay (PhD) – Wasiirka Difaaca

3- Axmed Shide – Wasiirka Maaliyadda

4- Muferihat Kamil – Wasiirka Horumarinta Magaalooyinka

5- Cumer Hussein Oba – Wasiirka Beeraha

6- Injineer Aisha Mohammed – Wasiirka Horumarinta Waraabka iyo Dhulka Hoose

7- Injineer Habtamu Itefa Geleta – Wasiirka Biyaha iyo Tamarta

8- Professor Birhanu Nega – Wasiirka Waxbarashada

9- Dagmawit Moges – Wasiirka Gaadiidka iyo Saadka

10- Gebremeskel Chala – Wasiirka Ganacsiga iyo Isdhexgalka Gobollada

11- Melaku Alebel – Wasiirka Warshadaha

12- Binalf Andualem – Wasiirka Nabadda

13- Gedewon Timothywos (PhD) – Wasiirka Cadaaladda

14- Dr. Lia Tadesse – Wasiirka Caafimaadka

15- Belete Mola – oo ah Wasiirka Technology-ada iyo hal-abuurka

16- Danjire Nasise Chali – Wasiirka Dalxiiska

17 – Lake Ayalew – Wasiirka Dakhliga

18 Chaltu Sani Ibrahim – Wasiirka Magaalooyinka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha

19- Injineer Takelle Uma Benti – Wasiirka Macdanta iyo Batroolka

20- Kejela Merdasa Tulu – Wasiirka Dhaqanka iyo Ciyaaraha

21- Ergoge Tesfaye (PhD) – Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Bulshada

22- Fitsum Asefa (PhD) – Wasiirka Qorsheynta iyo Horumarinta

Xukuumadda cusub ee uu soo dhisay raisul wasaare Abiy Ahmed ayaa waxaa maanta ansixiyey Baarlamaanka Federaalka Itoobiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -