Xukun adag oo lagu riday Gudoomiye Degmo oo xiriir la lahaa Al Shabaab

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida Somaliya ayaa xukuno isugu jiray dil toogasho  iyo xabsi daa’in ah ku riday dad loo heestay in ay ka dambeeyeen qarax lagu dilay Gudoomiye kuxigeenkii amniga ee Degmada Maxaas.

Guddoomiyihii hore degmada Maxaas C/raxmaan Sheekh Cilmi Cawaale oo lagu eedeeyay in uu wax ka maleegay qaraxa lagu dilay kuxigeenkiisii amniga  iyo sidoo kale in uu wada shaqeyn la yeeshay Al Shabaab ayaa lagu riday xukun xabsi daa’in ah.

Maxkamada ciidamada ayaa sidoo kale xukun dil ah ku riday Cali Axmed Guure (Qoyane) oo maqane ah laguna eedeeyey in uu ka tirsan yahay Al-Shabaab iyo Nuur Ibraahim Mahad Alle , labadan nin ayaana lagu eedeeyay in ay ka dambyeen qaraxa ka dhacay Maxaas.

Dacwadan ay qaadeysay Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa ka duwanaa kuwii hore, waxaanma dacwadan ku lug yeeshay Gudoomiye Degmo oo lagu helay in Al Shabaab xiriir la lahaa laguna riday xukun madaxaa haku furto ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -